Skip to content. | Skip to navigation

You are here: Home When someone dies - A guide to the Coronial Services of New Zealand The first 48 hours 48da Saacadood ee u Horreeysa

48da Saacadood ee u Horreeysa

Waxa ka dambeeya ee laga filan karo dhimashada kadiska ah

Dhimashada Kediska ah

Dhimashada kediska ah waa in la soo sheego waana dhimashada:

  • ku timid sababo aan la ogayn, is-dilid aan caadi ahayn ama rabsho leh;
  • marka dhakhtaradu sheegi waayaan sababta uu qofka uu u dhintay;
  • ku dhacda inta lagu jiro, ama ay sabab u tahay, xaalado caafimaadka, qalliinka ama ilkaha;
  • ku timaado, ama sababi u noqon karta, inta ay socoto dhalashada ilmahah ama caruurta,
  • ku timid inta qofka dhintay uu si rasmi ah xabsi ugu jiray ama la daryeelayay.

Booliska waxa ay dhimashooyinka u soo sheegayaan Sarkaalka baara sida qofka uu u dhintay.

Waa maxay waxa dhici doona 48ka saacadood ee xiga?

Qofka dhintay waxaa la dhigaya meel amaankeeda sugan yahay (sida qolka meydka ee isbitaalka, ama qolka meydka) illaa uu go'aan ka gaaro Sarkaalka baara sida uu qofka u dhintay haddii loo baahdo in la sameeyo baaritaanka dhimashada ku saabsan.

Wakiilka Sarkaalka baara sida qofka uu u dhintay, ayaa dhici karta in uu kulo soo xiriiro si uu u helo akhbaar dheeraad ee ku saabsan dhimashada.

Sarkaalka baaraa sababaha dhimashada ayaa iska leh go'aanka ku saabsan baarista dhimashada.

Aqoonsashada

Aqoonsashada rasmiga ee qofka dhintay ayaa loo baahanyahay in la sameeyo si loo sugo aqoonsiga qofka dhintay. Shaqaalaha caafimaadka ayaa tan samayn kara haddii ay goobjoog ahaayeen wakhtiga u qofka dhintay ama haddii qofka dhintay uu yahay qof ay yaqaaneen. Sifooyinka qofka gaarka u ah/ xogta ilakaha/DNA (unugyada isirka) aaya la isticmaali karaa haddii loo baahdo in loo adeegsado aqoonsashada. Qoraalka qof markhaati ah aya loo baahanyahay in uu sexeexo qofka aqoonsanayo.

Waxaa muhiim ah in aqoonsiga sida u dhaqsa badan loo sameeyo si dhimashada loogu sheego qaraabada ama ehelka qofka dhintay.

Dhimashada Ka dib

Dhimaashada ka dib waxaa mararka qaarkood la yiraahdaa baaris. Waa baaris dhammaystiran oo lagu samaynayo xubnaha gudaha iyo dibadda waxana samaynaya dhaqtar ku takhasusay, waxa lagu qabtaa qolka isbitaalka ee meydka lagu hayo. Isbitaallada oo idil ma laha qolal meedka lagu hayo laguna baadho, markaa qofka dhintay waxaa laga yaabaa in loo qaado magaalo kale oo leh meeshaas lagu baaro meydka.

Qaraabada qofka dhintay waa lagala tashanayaa waana la qaderinayaa talada ay soo jeediyaan, qofka dhintayna waxaa lagula dhaqmayaa maamus qiimo leh iyo sharaf inta ay socoto baarista sababta dhimashada.

Diidmada Baarista Meydka

Qaraabada xaq ayay u leeyihiin in ay diidaan baarist meydka marka LAGA REEBO:

  • haddii dhimashada ay taahay wax lagu tilmaami karo fal dambiyeed; AMA
  • marka sharci kasta ee Nayuusi Laan ama caalamka uu farayaan in la sameeyo baarista meydka; AMA
  • haddii Sarkaalka baara sababaha dhimashada u baarista meydka sameeyo sida ugu dhaqsiyo badan sababo ah haddii dib loo dhigo ay saamayn ama xadayn doonto awoodda uu dhakhtarka baara cudurrada uu ku ogaado sababaha dhimashada.

Diidmo kasta waa in loo sheegaa Sarkaalka baara sababaha dhimashada muddo 24 saacadood gudahooda. Qoyska waa in ay Sarkaalka u sheegaan diidma kasta ayaga oo soo wacaya telefoonka uu siiyay Sarkaalka marka ugu horreysa oo ay go'aankaasi loo sheegay. Haddii aad qabtid wax walaaca ah, fadlan la soo xiriir Boliiska ama Gargaarka Dhibbanaha.

Baahida aad u Qabtid Dhaqankaaga

Dadaal kasta ayaa loo gelayaa si lagu aqoonsado loona xushmeeyo caqiidaada iyo waxa uu dhaqankaaga ka aaminsan yahay marka qofka uu ku dhinto Nayuusi Laan, iyo baahidaada khaaska ah si cadna loogu gudbiyo sida ugu dhakhsiya badan walkiilka Sarkaalka.

Illaa intee bay qaadanaysaa?

Dhimasho kastaa way ka duwan tahay tan kale, baadhistanna wakhti ayay qaadanaysaa. Wakiilka Sarkaalka, oo noqon kara booliis ayaa kula soo xiriiraya kuuna sheegaya sida wax u socdaan. Haddii aad wax su'aala ah aad qabtid, fadlan la soo xiriir Adeegyada Sarkaalka (baara dhimashada) ee New Zealand ama sarkaalka baarista ee ka socda Boliiska.

Waxyaalaha uu Qofka Gaar u Leeyahay

Boliiska ama shaqaalaha caafimaadka ayaa kuu soo celin doona waxyaalaha qofka dhintay uu gaar u leeyahay (sida dahabka, boorsada yar ama dharka). Haddii kalena, booliska maamulayaha duugga ayaa dhici karta in ay waxyaalahan u celiyaan qoyska maalmaha soo socda.

Waxyaabaha qaarkood ayaa dhici in loo baahdo in la reebto si baaris cilmiiyeed ee dambi looga qaado ama ay horay u jiray baaris ay boliiska waddeen, waxaana qoyska loo celinayaa goor dambe.

Helista Shahaadada Dhimashada

Mar haddii dhimashada la ogeysiiyo waaxda Dhalashada, Dhimashada iyo Guurka, waa suurtogal in la codsado shahaadada dhimashada. Haddii baaris la qaado, tan waxa ay ahaanaysa shahaado kumeel-gaar ah taaso lala sugayo 'Natiijada Baarista Sarkaalka" ee sababta ama sababaha dhimashada. Ma jirto lacag lagu bixinayo ogeysiiska diiwaan gelinta dhimashada ee waaxda Dhalashoyinka, Dhimashoyinka iyo Aroosyada, laakiin lacag ayaad bixinaysaa marka aad codsanaysid shahaadada dhimashada.

Waaxda Dhalashada, Dhimashada iyo Guurka waxay ay la soconayaan sarkaalka baarista samaynaya inuu u soo gubiyo baadhitaankiisa oo dhamays tiran haddii isla markaana shahaadadii kumeelgaar ee dhimashada la soo celiyo waxa loogu badalayaa shahaadada dhimashada, ayadoo aan lagugu dallacin qarash dheerad ah.

Warbaahinta

Marka ay timaado dhimasho kadis ah, danta Warbaahinta ayaa ah in ay soo tebiso waxa dhacay. Khasab ma aha in aad Warbaahinta la hadashid. Xaq ayaad u leedahay in aad codsatid in la dhawro waxa gaarka u ah qoyskaaga wakhtigan xaadirka ah.

Gargaarka

Gargaarka Dhibbanaha (Victim Support) waxay 24ka saacadood bixiyaay gargaar wax ku ool ah oo ku saabsan, u doodista, taageerida iyo akhbaar siinta dhammaan dadka ay wax ka soo gaaraan dambiyada ama dhibaatadada meel kasta oo Nayuusi Laan ah.

La xiriir isteeshinka boliiska xaafaddaada oo weydiiso Gargaarka Dhibbanaha (Victim Support), telefoonka 0800 VICTIM (0800 842 846) www.victimsupport.org.nz

Lamabarrada Caawimada Lagala Xiriiro

Gargaarka Dhibbanaha: La xiriir isteeshinka boliiska xaafaddaada oo weydiiso Gargaarka Dhibbanaha, telefoonka 0800 VICTIM (0800 842 846) ama booqo www.victimsupport.org.nz

Booliiska Nayuusi Laan: Buugga telefoonada ka eeg qaybta dawladda halka ay ku qoran yihiin sida aad kala xiriiraysid xarumaha booliiska ee xaafad kasta ama qaybta internetka ee Booliska www.police.govt.nz

CORONIAL SERVICES OF NEW ZEALAND
(Adeegyada Baarista Dhimashada ee Nayuu Silaan)

Auckland (09) 916 9419
Christchurch (03) 353 0444
Dunedin (03) 470 1147
Hamilton (07) 834 1756
Hastings (06) 870 3116
Palmerston North (06) 350 0083
Rotorua (07) 343 1021
Wellington (04) 910 4487
Whangarei (09) 430 4307
National Office (04) 910 4487
Office of the Chief Coroner (09) 916 9151

© Crown Copyright 2010

Item code: JUSCS0019

Document Actions